Qeexid
"Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo."
"Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo."
Wadaag:
Ciid badan, jilicsan, boor lahayn oo aan lagu socon karin.
m.l
Wadaag:
(jool.) Nooc ka mid ah bataax bacaad, oo badanaa laga helo saxaaraha, taasoo ka kooban lafo dhaa-dheer oo af leh oo barbarro la ah dhinaca dabayshu ka soo dhacayso. Dhammaad-kana waxa kordha dhererka bacaadka, markaasoo dabaylaha gudbani ay kordhi-yaan dhererkeeda iyo ballaadhkeeda.
m.l
Wadaag:
Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah.
Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho.
Meel kulul oo qorraxda hayso.
m.l
Wadaag:
/dh (-wyo, m.dh) Qof la baaseeysto oo la aaminsanyahay in uu nasiibdarro wato.
m.l
Wadaag:
Nooc quraanyada ka mid ah, midab cas leh, kooxkooxna u socota, aad u qurmoon oo yacayda cunta.
m.dh
Wadaag:
(-ro, m.l) Jaad ugaarta ka mid ah sagaarada ka weyn deeradana ka yar, midab dambas ah iyo dhego balballaaran leh, kuna nool meelaha biyaha badan; dhusaas.
m.dh
Wadaag:
(juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.
m.l
Wadaag:
Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya.
Meesha bacadluhu wax ku gato.
Awr rarey ah oo xoog badan.
m.l
Wadaag:
Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.
m.dh
Wadaag:
Sanka qeybtiisa sare ee dhuuban.
Sanka intiisa hore oo aan lafta lahayn.
m.l
Wadaag: