Qeexid
"Nooc quraanyada ka mid ah, midab cas leh, kooxkooxna u socota, aad u qurmoon oo yacayda cunta."
"Nooc quraanyada ka mid ah, midab cas leh, kooxkooxna u socota, aad u qurmoon oo yacayda cunta."
Wadaag:
/dh (-wyo, m.dh) Qof la baaseeysto oo la aaminsanyahay in uu nasiibdarro wato.
m.l
Wadaag:
Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah.
Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho.
Meel kulul oo qorraxda hayso.
m.l
Wadaag:
(-ro, m.l) Jaad ugaarta ka mid ah sagaarada ka weyn deeradana ka yar, midab dambas ah iyo dhego balballaaran leh, kuna nool meelaha biyaha badan; dhusaas.
m.dh
Wadaag:
Ciid badan, jilicsan, boor lahayn oo aan lagu socon karin.
m.l
Wadaag:
Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto.
Dharbaaxo; jaawin.
m.dh
Wadaag:
Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya.
Meesha bacadluhu wax ku gato.
Awr rarey ah oo xoog badan.
m.l
Wadaag:
Caleemo dhaadheer, laga sameysto darin dambiil, xarig iwm. oo ka baxda geed la bah ah timirta iyo baarta. ld caaw2.
m.dh
Wadaag:
Sanka qeybtiisa sare ee dhuuban.
Sanka intiisa hore oo aan lafta lahayn.
m.l
Wadaag:
Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.
m.dh
Wadaag:
Geed nagaar aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
m.l
Wadaag:
Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo.
m.dh
Wadaag:
(juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.
m.l
Wadaag: