Qeexid
beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.) m.l (fiis.) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0oC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).