Qeexid
"(-dyo, m.dh) (juqr.) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan."