Qeexid
"Wax si cagajiidnimo ah u samayn. ld ciddijiid2."
[-day, -dday]
cagajiid2 ay
cagajiid2 day
f.mg1"Wax si cagajiidnimo ah u samayn. ld ciddijiid2."
Wadaag:
Socod aayar ah oo wahsi ku jiro.
C. ah: si aan caddaan ahayn u diidid wax loo diray.
ld cagajiidid. ld ciddijiid1.
m.l
Wadaag:
Wax si ay meel uga fogaadaan aad u cayrin.
f.g2
-iyay, -isay
Wadaag:
Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo.
ld cagajugleyn.
m.l
Wadaag:
Socod diidmo, gaabin iyo tabar darro ku jirto socosho.
f.mg1
-day, -dday
Wadaag:
Maalin la qaddarinayo u damaashaadid (ummad). ld iid2.
f.mg1
-day, -dday
Wadaag:
Si caajis iyo itaaldarro ku jirto u socosho.
f.mg1
-day, -dday
Wadaag:
U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin.
f.mg2
-leeyay, -leysay
Wadaag:
Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa.
m.dh
Wadaag:
C. ah: wax qaabkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqiin ka duwan.
(e.d) Waa yaab! cajiimid m.f.dh eeg cajiin2.
m.l
Wadaag:
Midab u eg kan caleenta iyo cawska marka ay dooganyihiin.
Doog.
Qudaar.
m.l
Wadaag: