Qeexid

"(-lo, m.l) (daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl1 (5)."

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga dabeyl oo kali ah:
  • D Midowga Maxaakimta Islaamka (MMI) waxa ay ahaayeen dabeyl caafimaad oo dalka intii ay gaadhey dawo caafimaad u noqotey intii kalena uduggeedu saaqey.
  • Xubno u hadlay burcadbadeeda ayaa sheegay in shanta qof ay dhinteen, midna weli lagu la'yahay bada, halka laba kalena la badbaaday, iyadoo shilkan uu yimid markii dooni ay wateen ay dabeylo xoogan qalibeen.