Qeexid

"Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir."

Qeexid Kale

Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.

Qeexid Xigta

Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti.

Wadaag: