Qeexid
"(-dyo, m.dh) (c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay."
"(-dyo, m.dh) (c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay."
Wadaag:
dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
Wadaag:
(-aamo, m.dh) Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. ld dheecaan1.
m.l
Wadaag:
(baay.) Hab hawleed uu qanjir dhiigga ama dhacaanka soohyada wax kala soo baxo oo kaddib u beddel kiimikaad ku sameeyo si uu u soo saaro walax lagu isticmaali karo jirka dheexdiisa ama dibedda looga saarayo.
m.l
Wadaag:
(-aamay, -aantay; -aami) Oogada noole nabar ama dhaawac gaaray awgeed hoore layiig ah ka imaansho. ld dheecaan2.
f.mg1
Wadaag:
Geed dhirta la baaseysto ka mid ah oo caruurta lagu daaweeyo, lana aaminsanyahay in la gooyo cawaweerka.
m.l
Wadaag:
Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah.
Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin.
Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.
m.dh
Wadaag:
Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. ld dhacarso.
f.mg3
-rtay, -ratay
Wadaag:
(-cmay, -cantay; -cmi) La dhacay; xoolihii laga qaaday.
f.mg1
Wadaag:
Biyo iwm wax heerkay joogeen hoos uga dhacay ahaansho.
Daawo, fiiso, iwm wax waqtigii loogu talaggalay dhaafay ahaansho.
f.mg4
-naa, -nayd
Wadaag:
(-cmo, m.l) Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin.
m.dh
Wadaag:
Xoolo meel dhacar leh soofin.
f.g2
-iyay, -isay
Wadaag: