Qeexid

"Deeq aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Dheddig naxwe, dh

Dheddig / feminine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga hibo oo kali ah:
  • Waxaa kaloon ahay af hibo u leh oo ay iga soo burqadaan maanso murti iyo madadaallo leh—ama mid Alle-bari iyo sama-doon ah—lagana meeriyo oo looga damaashaado gole nabadeyn, ama xaflad arooseed, ama fagaaro caleemo-saarid, ama dabbaaldeg qaraneed.
  • Buug suugaaneed waa nuxur halabuur laga soo shiilo maskax bani aadam oo la gaadhsiiyo heer feker oo sarreeya iyo dareen nafsadeed oo xooggan dabadeed lagu liso weelka khayaaliga, ay weheliyaan hibo dabiici ah iyo aqoon barasho lagu kasbado.