Qeexid
Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca.
Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca.
magac / noun
Lab / masculine
f.g1
Labdhedig: -say, -stay
Qeexid: Is xoqid.
f (Fal) - Fal (verb) [Qeyb: naxwe]
m.l
Qeexid: (fiis.) Xoogga caabbinaya socodka dul marka loo eego dul kale oo ay is taabanayaan.
m (magac) - magac (noun) [Qeyb: naxwe]
l (Lab) - Lab (masculine) [Qeyb: naxwe] [Jinsi: l]
m.f.dh
Qeexid: eeg islis3.
m (magac) - magac (noun) [Qeyb: naxwe]
f (Fal) - Fal (verb) [Qeyb: naxwe]
dh (Dheddig) - Dheddig (feminine) [Qeyb: naxwe] [Jinsi: dh]
mu.dhm.ly
Qeexid: magacuyaal layeele oo falka ku celiya falsameeyaha, taasoo macneheedu yahay in yeelaha iyo layeeluhu isla mid yihiin.
Qeexid Xigta: magacuyaal layeele oo dhacdada falka wadaajiya dhowr ruux ama waxyaalo kale.
mu (magacuyaal) - magacuyaal (pronoun) [Qeyb: naxwe]
dhm (Dhimman) - Dhimman (clitic) [Qeyb: naxwe]
ly (layeele) - layeele (object) [Qeyb: naxwe]
e.d
Qeexid: Erey xoolaha lagu yiraahdo kolka la doonayo inay dib u noqdaan ama leexdaan.
e (Erey) - Erey (word) [Qeyb: naxwe]
m.l
Qeexid: I.kayga, i.kaaga iwm: qof laftiisa, nafta tiisi ah iwm.
m (magac) - magac (noun) [Qeyb: naxwe]
l (Lab) - Lab (masculine) [Qeyb: naxwe] [Jinsi: l]
Qeexid: isle'eg-kiimikeed m.l (-gyo ..., m.dh) (xis.) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iwm). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . “Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab”. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.
Qeexid: isle'ekaansho m.l/dh ld isle'ekaan.
Qeexid: isle'egta-socodka m.dh (xis.) Mid ka mid ah afarta isle'egood loona adeegsado walxaha xariiq toosan ku maraaya karaar madoorsoome ah (a), isle'egyaadan oo fogaanta la jaray (s) ku xidhiishinaayo amminta ay qaadatay (t).
Qeexid: isle'eg-tirignoometeri m.dh (-gyo ..., m.l) (xis.) Isle'eg uu ku jiro ugu yaraan hal doorsoome oo urur horaadkiisu yahay ururka xagallo rug beegaal ah.
Qeexid: isle'eg-toosan m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Qeexid: isle'eg-xigsiineed m.dh (-dyo, m.dh) (xis.) Xiriirka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y, iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
Qeexid: isle'eg-xigsineed ee heerka-labaad m.dh (-gyo .., m.dh) (xis.) Isle'eg xigsineed oo ku jira diirane heerka labaad ah dy2/dx2. Ama jiro diirane ka sarreeya heerkan.
Qeexid: isle'egyo-seegmaweydo m.dh (xis.) Urur isle'egyo ah oo doorsoomeyaashoodu ay wada raaliggelin karaan ugu yaraan hal urur furfuris. Tusaale ahaan: isle'egyada x + y = 2 iyo x + 4y = 6 waxa raaligeliya x = 2/3 iyo y + 4/3. Isle'egyada x + y = 4 iyo x + y = 9 ma aha seegmaweydo waayo ma jiro lammaane qiimeyaal oo wada raaligeliya labada isle'eg.
Qeexid: isle'ekaan m.f.dh eeg isle'eg2. ld isle'ekaansho.
Qeexid: isle'eg dhab ah m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Nooc ka mid isle'eg xigsineed taas oo wadarta xigsineed ee fansaar uu le'eg yahay eber.
Qeexid: isle'eg1 m.dh (-gyo, m.dh) (xis.) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
Labdhedig: -ekaa, -ekayd
Qeexid: isle'eg2 f.mg4 Isku jin ahaansho.
Qeexid: isle'eg-kubbad m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2 = Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + z2 = r2.
Qeexid: isle'eg-saabley m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.