Qeexid
(-dyo ..., m.l) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.