Qeexid

"(kiim.) Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga kaarboon oo kali ah:
  • Maadaama Kaarboonku la fal-galo curiyeyaal badan, waxaa aad u badan Isku-dhisyada (compounds) uu leeyahay oo waa curiyaha ugu isku-dhiska badan dhamaan.
  • Sidoo kale, marka la samaynayo dhuxusha qiiq badan ayaa oo ka kooban kaarboon-labo-ogsaydh iyo kimikooyin sun ah ayaa hawada gala taas oo keenaysa Wasakhowga Hawada.