Qeexid
"Meerto; kal; miile."
"Meerto; kal; miile."
Wadaag:
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tus. “Waa isku kaayo mid”. ld kayo1.
mu.dhm.ly
Wadaag:
(-yayaal, m.l/dh) Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.
m.l
Wadaag:
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.
mu.dhm.ly
Wadaag:
(u) Daloola ku yaal doonida miilkeeda dambe iyo madaxa shukaanta.
Kala k.: wax kala duwan.
m.l
Wadaag:
(kuwayaga, w) magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Baabuurkiinna, kaayaga ayaa ka weyn”. ld Kayaga1,
mu.lh.l
Wadaag:
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Dalkaayaga ayaa ka ballaaran dalkiinna”. ld kayaga2, kaayo2, kayo2.
dk.lh.l
Wadaag: