Qeexid
"(-dyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis uu ku jiro koloriin."
"(-dyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis uu ku jiro koloriin."
magac / noun
Lab / masculine
urur / collective
Wadaag:
(-dhyo, m.dh) (kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.
m.dh
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: dh
Wadaag:
(-ooyin, m.l) (baay.) Kollaydhada markii ugu horreysey waxa uu u qeexay Thomas Graham sannadkii 1861, walxo ahaan, sida istaarj ama jellatiin, kuwaas oo aan ka gudbi karin xuub.
m.dh
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: dh
Wadaag:
(kiim.) Iskudhis ruushi cad ah oo aan ku milmin biyaha (kalomeel Hg Cl).
m.l
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
l (Lab) — Lab (masculine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: l
Wadaag:
(-nno, m.dh) (kiim.) Curiye neef cagaar-hurdi ah oo firfircoon kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%.
m.dh
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: dh
Wadaag:
Labo cad oo yaryar oo dhuudhuuban oo cunaha ariga qaarkiis ka baxa midkood.
Buro jirka meel ka mid ah ka soo baxda oo laallaadda.
(w) eeg kolmo.
m.dh
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: dh
Wadaag:
Macawiso raggu qaato midabyo kala gaar ah leh.
m.dh
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: dh
Wadaag: