Qeexid
"l (la', laan, laam) m.dh Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane."
"l (la', laan, laam) m.dh Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane."
Wadaag:
le'eg f.mg4 La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn.
-ekaa, -ekayd
Wadaag:
le'ekee f.g2 La ekayn; la mid noqosho; la simid; isku in keenid.
-keeyay, -kaysay
Wadaag:
lo' m.dh.u 1. Naasley caws ku nool ah oo xoolaha la dhaqdo ka mid ah, leh geeso, sayn dheer, raafaf iyo tuur, lana manaafacaadsado caanaheeda, hilibkeeda, haraggeeda iwm. 2. Koox xiddigo ah oo si xiriir ah isu daba yaal; saco.
Wadaag:
le'ekaysii f.g2 Ku jaangoyn; wax le'eg ka dhigid; la simid.
-iiyay, -iisay
Wadaag:
la2 h Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi. Tus. “Cali buu la socdaa”, “Wuu ila shaqeeyaa”, “Kursigaan la tag!”.
Wadaag:
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu uu yahay qof aan la aqoon ama aan la caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.
mu.y.ac
mu (magacuyaal) — magacuyaal (pronoun)
Qeyb: naxwe
y (yeele) — yeele (subject)
Qeyb: naxwe
ac — aan cayinnayn (indefinite)
Qeyb: naxwe
Wadaag: