Qeexid
"(-oobay, -owday; -oobi) Mashaqo haleelid."
"(-oobay, -owday; -oobi) Mashaqo haleelid."
Wadaag:
(fiis.) Cabbirka xaddiga walaxi qaab doorsoontay, marka la saaro xoog qaab dooriye ah. Qaab doorintu marka ay tahay dherer, mashaqadu waxa ay le'egtahay saamiga isbeddel dhererka iyo dhererka salka ah.
m.dh
Wadaag:
(-oobay, -owday; -oobi) Hilib karis ka batay awgiis maraq noqosho.
f.mg1
Wadaag:
(-tayaal, m.l/dh) Qof shaqa la'aanta jecel oo cajislow ah.
m.l
Wadaag:
Wax mashaqo hayso ahaansho.
f.mg4
-snaa, -snayd
Wadaag:
(-fo, m.l) Tuubbo dheer oo macdan ama balaastig ah, guryaha dushooda ka soo dejisa biyaha roobka oo keenta dhulka si aan biyuhu guriga wax u yeelin; maracaad; manjarrar. ld masharafad.
m.l
Wadaag:
Is m.: xishood badan oo ismacnayni ku jirto yeelasho. ld mansahshuur2.
f.g1
-ray, -rtay
Wadaag:
maasha xi. (nax.) Xiriiriye tilmaamaya waxa ku dhashay sabab. Tus. “Maasha xaashiyuhu duule ee dabayl baa jiidday”. ld maansha.
Wadaag: