Qeexid

"(-do, m.l) (juqr.) Kicidda iyo degista oogada badda, ugu dhowaan laba jeer maalintii, oo uu dhaliyo cufisjiidadka dayaxa iyo xoogga kan qorraxda ah. Oogada badweynta, faraqa u dhexeeya mawjadaha sare iyo kuwa hoose wuu ka yaryahay 1 m.; laakiin badaha godan ee qaaradaha xadka la leh waxaa laga yaabaa inuu ka bato 6 m., mawjadaha afafka dhuuban ee webiyada wuxuu gaadhaa 15 m. ama ka badan. Qulqul mawjadeed: waa u socodka biyaha mawjadda xagga khoori, af-webi, deked, iwm ee fatah mawjadeedka ama dusheeda ama mawjad noqdo."

Wadaag: