Qeexid
"Wax xarig iwm ku wareejin, wax, wax, kale ku dul wareejin."
[-reeyay, -reysay]
meere eeyay
meere eysay
f.g2"Wax xarig iwm ku wareejin, wax, wax, kale ku dul wareejin."
Wadaag:
meere yare m.l (-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Ku wareege yar: waxaa jira qaar badan oo ku warega gorraxda, una dhexeeya majiireyaasha Maars iyo Jubitar; ka u weyn dhexroorkiisu waa 700 Km., ka u yarna dhexroorkiisu wuxuu ka yaryahay 30 Km.
Wadaag:
(meedey; meeye/maye) Xaggee ayuu jiraa?, aaway?. Tus. “Wiilku mee?”, “Ku mee?”.
e.we
Wadaag:
(-rayaal, m.l/dh) Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun, Buluto.
m.l
Wadaag:
(-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda.
m.l
Wadaag:
Cashar iwm akhriyid.
Xarig iwm wax kale ku dul duubid.
Ku m.: wax meer ku dul wareejin. 4. Ku m.: hanti, wax iwm cid kale ku wareejin.
f.g2
-iyay, -isay
Wadaag:
Socod wareeg ah socosho.
Ku m.: xarig wax ku xirid.
Ku m.: maal, derejo iwm cid kale ku wareegid.
f.mg1
-ray, -rtay
Wadaag:
Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal soomaaliga dadkiisa sare, si aysan dabayshyu u qaadin.
ld meerid.
m.l
Wadaag:
Ku m.: wax, wax kale dusha kaga wareegsanyihiin ahaansho.
Wax rarkiisa saani ku dadantahay ahaansho (awr raran).
f.mg4
-snaa, -snayd
Wadaag:
Wax mulkintooda la wareegid.
f.g3
-saday, -satay
Wadaag:
Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; kaltan; miilo.
Meermeerto; mid2.
M. ah: geel karreeb ah. 4. Marti muddo gaaban joogto.
m.dh
Wadaag:
ld seer
Dhul in muddo ah daaq ka xayirid. 2. Xabbad la riday meel la waayid.
f.g2
-reeyay, -reysay
Wadaag:
(xis.) Fogaanta ku wareegsan xood oodan oo kasta ama dhererka goobada oo la mid ah 2 r, taas oo, r tahay gacanka goobada.
m.l
Wadaag:
Hal geeddi (xarig) oo raar, derin, haan iwm la sameeyo.
Dersi, cashar iwm.
ld meerin.
m.l
Wadaag:
Wax dhinac kasta ka marid.
f.g2
-reeyay, -raysay
Wadaag: