Qeexid

"(fals.) Falsafad xun oo dadka midab midab u kala soocda oo isku dirta inta gun iyo gob ka kala dhigta."

Qeexid Xigta

(siyaa.) Hab siyaasadeed oo lagaga dhaqmi jiray koonfur Afrika, kaasoo dadka lagu kala soocoyo sharci ku dhisan midabtakoor. ld midabfaquuq1.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga midabtakoor oo kali ah:
  • Sidaan wada og soonahay ama dad badani la socdaan waxa dunida ka jiray Midabtakoor.
  • Nasiibdarro, dadkii madoobaa oo ka xorroobay midabtakoorkii loo yaqaanney Apartheid-ka iyaga lagu hayey, ayaa waxay ku hayaan kiiyoo kale qaxooti badan oo Afrikaan ah oo dalkooda marti ku ah.