Qeexid

"(c.nafl.) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley."

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga naasley oo kali ah:
  • Bakayluhu waa xayawaan naasley ah kaas inta badan duurka ku nool, laakiin la dhaqan karo oo carbis noqda.
  • Xoolaha iyo xayawaanka naasleyda ah cidiyaha ku yaala wey kala duwan yihiin oo kala tiro duwan yihiin taas oo ku xidhan tirada faro ah ee noolahaas leeyahay.