Qeexid
"(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin."