Qeexid
(-tyo, m.dh) (juqr.) Sida Iiraan looga yaqaan, waa marin biyood dhulka ka hooseeya oo biyaha waraabka ka soo qaada buuraha roobku ku badanyahay geeyana dhulalka qallalan ee ka hooseeya. Marinka qanaatka waxaa laga arki karaa hawada, maxaa yeelay waxaa jira daloollo wareegsan oo in isu jir-jira oo u eg karaytarro yar-yar. Qanaatka waxay isleeyihiin foggaaraha woqooyiga Afrika.