Qeexid

"qiimaha sugan ee leeb m.l (xis.) Dhererka leebka iyadoo aan la tixgelin jihada leebka. Qiimaha sugan ee lebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibbaarka xubnihiisa, taas oo ah, jihada leebka. Qiimaha sugan ee leebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibaarka xubnihiisa, taas oo ah, /xi+yi+zk/ = x2+y2+z2 qiimaha sugan ee tiro maangal ah m.l (xis.) Tiro togan oo laxaadkeedu la mid yahay tiro la isa siiyey. Summadda qiimaha sugan ee tirada A waxaa loo qoraa A. Qiimaha sugan ee tirada 6 waa 6, qiimaha sugan ee - 6 waa 6 qiimaha sugan ee tiro murakab ah m.l (xis.) Xidid labajibbarka wadarta labajibbaarada ee qaybteeda maangalka iyo qaybteeda khayaaliga ah. Waxa kale oo la yiraahdaa laxaadka tiro murakab ah."

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga qiimaha oo kali ah:
  • Madaxweyne Rayaale, wuxuu sheegay in ninka Ciidanka ahi yahay ka ugu qiimaha badan meelkasta oo uu joogo, isla markaana loo baahan yahay in la ogaado duruufaha iyo baahida ay ku sugan yihiin si wax loogu qabto.
  • Dhinaca kale, kooxda fanka ee ururka waddaniga ah ee SOCSA, ayaa munaasibadda toddobaadka ololaha waxbarashada ku soo bandhigay heeso ka turjumaya qiimaha waddaniyadda iyo waxbarashada.