Qeexid

"(-do, m.l) Loox ballaaran oo afar gees ah, badanaa midab leh oo jeeso wax lagula qoro."

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga sabuurad oo kali ah:
  • "Hal sabuurad ayaanu wax ugu wada dhignaa labada fasal, ardayda fasalka kalena way iska dhex-fadhiyaan fasalka inta ardayda kale wax loo dhigayo"ayuu yidhi maamulaha dugsigaasi, Axmed Xuseen C/laahi.
  • Maxamed Abiib, wuxuu xusay in arday da’ yar oo uu hayo xanuun dhinaca indhaha ahi oo uu baahan muraayad caawisa in macalimiinta iyo waalidkuba ay u arkaan ilmo aan waxbarashada ku wanaagsanayn, isagoo ilmuhu aan sabuuradda arkayn.