Qeexid
"(-llo, m.dh) (nax.) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tus. “a, e, i, o, u, aa, ee iwm”. Sh. culus: shaqallada soomaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid “culus” sida “duul” (oo ah duullaan u bixid) iyo mid “fudud” sida “duul” (oo ah haadid)."