Qeexid

suubaan marawaxadeed m.l (jool.) Tuuridda burburka dhagxaanta ee ka dhasha webi ama farac si degdegsan u qulqulaya. Suubaan marawaxadeed wuxuu caan ku yahay gobollada oomanaha ah waayo waxa jira fatahyo webi oo ka dhasha aago ka soo dega buuraha iyo iyaga oo gura waqtiyada oomanaha; waxayna suurageliyaan samayska suuban marawaxadeed.