Qeexid

"Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo."

Qeexid Kale

Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.

Qeexid Xigta

Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga tallaal oo kali ah:
  • Nasiibdarro, dhaqamadaas dhaxalgalka ahaa waxay ka mid noqdeen arrimihii tiirarka u ahaa habnololeedkii Soomaalidii hore oo ay gumeystayaashii gunta hoose ka gooyeen, beddelkoodiina ay tallaaleen geedo dhunkaal ah oo dhala dhibaatooyin aan dhamaad laheyn.
  • Sheekh Ismaaciil Dheeg isagoo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi “tallaalku waa ka hortaga, in leys tallaalana waa lagama maarmaan, waxa kaliya ee haboon waa in la hubiyo in tallaalku soo maray tijaabo casri ah oo la soo hubiyay”.