Qeexid
"Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tus. “Gacanteeda ayay ku qortay warqaddan”. ld teed3."
"Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tus. “Gacanteeda ayay ku qortay warqaddan”. ld teed3."
Wadaag:
(kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig ah oo tilmaamaya wax iyadu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. eeg keeda. Tus. “Weyddii halka ay teeda uga tagtay”.
mu.lh.dh
Wadaag:
Ood, qoryo iwm xiriir isu dhigid. ld teed2.
f.g2
-iyay, -isay
Wadaag:
Qoryo gaagaaban oo meel la dhisayo la sii saarsaaro.
Ood loo dhigo ugaar si ay u marto meel loogu talaggalay.
ld teedin.
m.l
Wadaag:
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. ld keed.
dk.lh.l
Wadaag:
Wax si taxan la isu daba dhigay ahaansho.
f.mg4
-naa, -nayd
Wadaag:
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay. Tus. “Shirka aan ku qabanno xarun-teenna”. ld teen.
dk.lh.dh
Wadaag:
(kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado.
mu.we.dh
Wadaag:
Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Fartee baa kula qurxoon?”.
dk.we.dh
Wadaag:
(kuweer, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tu. “Cali wuxuu rabaa inuu la hadlo teer timid hadda”.
mu.ti.dh
Wadaag:
Dibkabe tilmaame oo dib looga qodbo magac dhaddig, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado.
dk.ti.dh
Wadaag: