Qeexid
"Xidid ka dhigid (dad); xididnimo ku dhawrid."
[-iyay, -isay]
xidid yay
xidid say
f.g2"Xidid ka dhigid (dad); xididnimo ku dhawrid."
Wadaag:
Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16).
Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
m.l
Wadaag:
Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah.
Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya.
Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
m.l
Wadaag:
(-shayaal, m.l/dh) (kiim.) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soo cani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.
m.l
Wadaag:
(-go, m.l) (baay.) Jidh ku dhex samaysma unugga, marka ay dhacayaan mayoosiska iyo mitoosisku, kaasi oo ka qayb qaata filiqsanaanta koromatidhyada bu'da unugga hooyada.
m.l
Wadaag:
Xidid yeelasho.
Ku x.: meel mudda badan ku sugnaansho.
f.mg3
-stay, -satay
Wadaag:
(c.nafl.) Arooreyaal debca, dheeraada oo laallaabma.
m.l
Wadaag:
Xanuun yar oo meel jirka ka mid ah si dabacsan u haya. Tus. “Jaamac waa isjirrisiinayaa ee xididxanuun ma hayo”.
m.l
Wadaag:
xidh yar m.dh (bot.) Geedaaley yar oo har leh; geedo isku urursan oo ku yaal meel gaar oo bannaan.
Wadaag:
(-ooyin, m.l) Dun midabyo badan oo si gaar ah loo farsameeyey oo si ayan u tifmin dacallada maryaha looga tolo oo qurux loogu tala galay.
m.dh
Wadaag:
(-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Dawo keenta ballaarashada xididdada dhiigga oo badisa socodka dhiigga.
m.l
Wadaag:
Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka.
Mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida say mo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.
m.l
Wadaag:
Shinbir yar oo af guduudan iyo lugo aad u dhuudhuuban leh.
X. ah: qof aad caato u ah. ld xiidxiito, xiito.
m.dh
Wadaag: