Maahmaahyo
Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa.
Dec 13, 2025
Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
Dec 13, 2025
Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
Dec 13, 2025
Baayac-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
Dec 13, 2025
Baddu waa isku dhadhan.
Dec 13, 2025
Badhi mag ma laha.
Dec 13, 2025
Balaayo buulkaagaa laga galaa.
Dec 13, 2025
Balaayo laba qad ma leh.
Dec 13, 2025
Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto …
Dec 13, 2025
Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
Dec 13, 2025
Ballaysin bir ka adag.
Dec 13, 2025
Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
Dec 13, 2025
Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya.
Dec 13, 2025
Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado.
Dec 13, 2025
Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
Dec 13, 2025
Barasho horteed dad ha nicin.
Dec 13, 2025
Barasho horteed ha i nicin.
Dec 13, 2025
Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
Dec 13, 2025
Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
Dec 13, 2025
Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
Dec 13, 2025
Bartii yaqaan bar xoolaad kuma korodho.
Dec 13, 2025
Bartii yaqaan, bari uma korodho.
Dec 13, 2025
Baruur qudhuntay baa baruuro qudhmisa.
Dec 13, 2025
Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
Dec 13, 2025
Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
Dec 13, 2025
Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
Dec 13, 2025
Basari buulkeeda bayaayo waaye.
Dec 13, 2025
Baso waa baso si kastoo loo subko.
Dec 13, 2025
Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
Dec 13, 2025
Been doode been buu dhaartaa.
Dec 13, 2025
Been fakatay runi ma gaadho.
Dec 13, 2025
Beeni raad ma leh.
Dec 13, 2025
Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
Dec 13, 2025
Beentaada hore, runtaada dambey dishaa.
Dec 13, 2025
Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay.
Dec 13, 2025
Beer wax dhalow ba’.
Dec 13, 2025
Beerka jecli, xaydha jecli.
Dec 13, 2025
Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo.
Dec 13, 2025
Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso.
Dec 13, 2025
Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto m…
Dec 13, 2025
Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
Dec 13, 2025
Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku…
Dec 13, 2025
Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
Dec 13, 2025
Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kal…
Dec 13, 2025
Bilaysini Bir ka adag.
Dec 13, 2025
Bililiqo doon waa nabad diid.
Dec 13, 2025
Bir baa bir goysa.
Dec 13, 2025
Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
Dec 13, 2025
Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacoo…
Dec 13, 2025
Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
Dec 13, 2025
Biya sar tegey waa la sugayaa.
Dec 13, 2025
Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi l…
Dec 13, 2025
Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad m…
Dec 13, 2025
Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.
Dec 13, 2025
Biyo meel godan bay isugu tagaan.
Dec 13, 2025
Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
Dec 13, 2025
Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
Dec 13, 2025
Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawla…
Dec 13, 2025
Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee.
Dec 13, 2025
Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa.
Dec 13, 2025
Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo bici…
Dec 13, 2025
Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame.
Dec 13, 2025
Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa.
Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa.
Micne: Macne lama helin
Asalka: sabaad.com - Xarafka Xarafka “B”
Ma taqaan micnaha ama asalka?
Haddii aad garanayso micnaha ama asalka maahmaahdan, ama haddii aad haysato maahmaah Soomaali kale oo xiiso leh, waxaan jeclaan lahayn inaad nala wadaagto!
Fadlan u soo dir email ciwaanka hoose:
maahmaahyo@sabaad.com