Maahmaahyo
Aar qoyey dacawo la mood. Dec 13, 2025
Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. Dec 13, 2025
Af aanad lahayn lama qabto. Dec 13, 2025
Af waa kane, maxaa lagu aamaa. Dec 13, 2025
Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal. Dec 13, 2025
Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh. Dec 13, 2025
Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh. Dec 13, 2025
Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday. Dec 13, 2025
Ayax teg eedna reeb. Dec 13, 2025
Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa. Dec 13, 2025
Baareey guur, oo sixnigaagana la guur. Dec 13, 2025
Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya. Dec 13, 2025
Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa. Dec 13, 2025
Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan. Dec 13, 2025
Barrooriba buulkeeday ku hartaa. Dec 13, 2025
Biya sar tegey waa la sugayaa. Dec 13, 2025
Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa. Dec 13, 2025
Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa. Dec 13, 2025
Calafkaa, nin ku rabaa baa haya. Dec 13, 2025
Canaan ka yaab reer ma doojo. Dec 13, 2025
Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isag… Dec 13, 2025
Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa. Dec 13, 2025
Cidlo ciirsi maleh. Dec 13, 2025
Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan. Dec 13, 2025
Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laab… Dec 13, 2025
Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa. Dec 13, 2025
Col ku galay cabsi kugu reeb. Dec 13, 2025
Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kal… Dec 13, 2025
Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina … Dec 13, 2025
Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa. Dec 13, 2025
Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil. Dec 13, 2025
Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta. Dec 13, 2025
Daleel marow maradiis geed ma daarow. Dec 13, 2025
Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan. Dec 13, 2025
Dan iyo xarrago is weyday. Dec 13, 2025
Dheg haddii la jaro daloolkaa hara. Dec 13, 2025
Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa. Dec 13, 2025
Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa. Dec 13, 2025
Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo. Dec 13, 2025
Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka wa… Dec 13, 2025
Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa. Dec 13, 2025
Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, mee… Dec 13, 2025
Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil. Dec 13, 2025
Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey… Dec 13, 2025
Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa. Dec 13, 2025
Durduro geel baa ku jaba. Dec 13, 2025
Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay. Dec 13, 2025
Geed walba in gubtaa, waa hoos taal. Dec 13, 2025
Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waan… Dec 13, 2025
Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dam… Dec 13, 2025
Habar caal weydey durey bay hafartaa. Dec 13, 2025
Hadal hadal kama dheera. Dec 13, 2025
Hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna wax… Dec 13, 2025
Haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska … Dec 13, 2025
Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu … Dec 13, 2025
Hamba soor ma eh. Dec 13, 2025
Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixi… Dec 13, 2025
Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa. Dec 13, 2025
Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha. Dec 13, 2025
Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weynt… Dec 13, 2025
Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan. Dec 13, 2025
Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayd… Dec 13, 2025
Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto. Dec 13, 2025
Magaalo qayrkaana u cay adiguna ha deynin. Dec 13, 2025
Meel aanad seexan doonin laguma luloodo. Dec 13, 2025
Meeshay caruurtiyo dumarku kugu bartaan waa laga … Dec 13, 2025
Midho daray duuduubkaa lagu liqaa. Dec 13, 2025
Naago waa belo loo baahan yahay. Dec 13, 2025
Naftu orod bay kugu aamintaa. Dec 13, 2025
Nimay meeli buktaa isagay balbashaa. Dec 13, 2025
Nin aan baqani ma bad baado. Dec 13, 2025
Nin aan hadlin habartiisba qadisay. Dec 13, 2025
Nin dameero rartaa dad la toy ma aha. Dec 13, 2025
Nin dhintay kabihiisaa dhaama. Dec 13, 2025
Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. Dec 13, 2025
Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala… Dec 13, 2025
Qaybshe qad ama qaaday. Dec 13, 2025
Rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haa… Dec 13, 2025
Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, n… Dec 13, 2025
Safar waa si wada yeel. Dec 13, 2025
Sakaaro laba tun oo laka qalo ma leh. Dec 13, 2025
Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa. Dec 13, 2025
Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii k… Dec 13, 2025
Soomalidu waa indho ku garaadle. Dec 13, 2025
Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagag… Dec 13, 2025
Tabcadaa ma tuugoobo. Dec 13, 2025
Tuug la qabtay talo ma laha. Dec 13, 2025
Tuug tuug ma xado. Dec 13, 2025
Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay. Dec 13, 2025
karis xun iyana ku wax la. Dec 13, 2025
labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan. Dec 13, 2025
labo bukta ma is baaniyaan. Dec 13, 2025
libaax nin aan aqoon baa lax ka rida. Dec 13, 2025
luqun dheeraatay madax ma dhaafto. Dec 13, 2025
usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa. Dec 13, 2025
waalida ninkii soo baraa laga waraystaa. Dec 13, 2025
waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa. Dec 13, 2025
war la’aani waa dhego laaan. Dec 13, 2025
waxay ili aragto ayaa ilko gooyaan. Dec 13, 2025
weylasha biree dibigu ha ku quustee. Dec 13, 2025

Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi’iye.

Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi’iye.

Micne: Macne lama helin

Asalka: sabaad.com - Xarafka Xarafka “S”

© Maahmaahyo | Waxaa sameeyay Adiga.