Madasha Sabaad

Madasha Sabaad waa bar casri ah una sameysan qaab danabeysan oo loogu talagalay, ilaalinta, horumarinta, fidinta iyo keydinta afka Soomaaliga. Waxeyna ka booban tahay qebyahan hoose ku xusan:

1. Afjire (Qaamuuska online ah)
Afjire waa qaamuus af soomaali (digital) ah, oo ay ku jiraan dhammaan qeexitaanada macnaha erayda afka soomaaliga, kuwaas oo hore ay u qoreen khubaro ku xeerdheerayaal Afka Soomaaliga.

Sidoo kale, Afkjire waa Qaamuus uu saldhigiisu yahay hal abuurkii iyo wax soosaarkii Guddigii Qorista Farta Soomaaliga ee Qaranka Soomaaliyeed iyo waliba macluumaadyo kale oo ay aruuriyeed dad iyaguna isku howlan badbaadinta afkeena hooyo xiligii burburka lagu jirey.

Qaab dhismeedka Afkjire

Afjire, wuxuu u sameysan yahay si la mid ah qaamuusyada (online) ka ah, ee haatan dunida casriga ah ka jira. Kaasoo la jaanqaadaya teknoolajiyadda cusub ee dunida maanta. Afjire wuxuu u nidaamsan yahay sidan:

1. Ereyga
2. Macnaha erayga
3. Qeexitaan buuxa
4. Naxwaha erayga
5. Tusaalaha ergay oo buuxa
6. Erey la mid ah ama la micna ah ereyga la fasirayo

Qaamuuskan Afjire wuxuu si kalsooni leh, u soo bandhigayaa kuna saleynaya dhammaan erayda afka soomaali oo wata higaadinta saxda ah ee ku saleysan far qoraalka Shaqa iyo Shibane ee Farta Afka Soomaaliga

Tusaale:

Shibbane: "B", "T", "J", "X", "KH", "D", "R", "S", "SH", "DH", "C", "G", "F", "Q", "K", "L", "M", "N", "W", "H", "Y"
Shaqal: "A", "E", "I", "O", "U"

Haddaba, Afjire wuxuu bulshada Soomaaliyeed u sahlayaa adeegsiga qaamuus ay si fudud erayga ay doonayaan uga baaran karaan, xili walba iyo goob kaste. Iyadoo loo adeegsan karo, dhammaan qalabka adeegsiga noocyadiisa kala duwan sida Mobile iyo Computer.

Sababta ay Madaha Sabaad u tahay bar muhiim ah

Madasha Sabaad: Waa bar kulmisey adeegyo kala duwan oo si weyn ula xariira afka iyo dhaqanka soomaaliyeed, taasoo ay adeegsan karaan bahda waxbarashada, suugaanta, warbaahinta iyo cilmi-baarista. Adeegyada barta SABAAD wax u kala yihiin:

1. Afjire - Qaamuus (online) ah, kuu ogolaanay in aad raadiso eray kaddibana hesho qeexitaanka iyo macnahay erayga iyo naxwihiisa oo tusaale wata.
2. Dhaqanka iyo Hiddaha : Sabaad waad ka helikartaa key dhan oo maqal ah, si weyn u balaarinaya dhaqanka iyo sooyaalka soomaaliyeed. Kaasoo taabanaya soomaalidii hore iyo tii dhexeba.
3. Sheekooyin: Barta Sabaad sidoo kale waxaad ka heli kartaa noocyada kale duwan ee Sheekooyinka dhaqanka Sooomaalida oo ay ku jirto Sheeko xariirta dhallaanka.
4. Qorista Warqadaha – Tusaalayaal iyo hagitaan ku saabsan qorista waraaqaha rasmiga ah ee Afsoomaaliga. Taasoo ku bareysa Xirfadda Qoraalka Afka Soomaaliga saxda ah.
5. Caqliga Macmalka ah ee (AI): Barta Sabaad waxey si buuxda u adeegsataa caqliga macmalka ah iyo hanaanka NLP (Natural Language Processing) oo u gaar ah afka soomaaliga. Tani waxey bulsha weynta Soomaaliyeed ka caawindoontaa qorista iyo ku wada sheekeysiga nidaamya kala duwan ayagoo adeegsanaya afsoomaaliga

Sabaad waa bar u taagan ilaalinta iyo casriyeynta af Soomaaliga, waana bar laga helo hal abuur, aqoon, iyo hido-dhaqan oo la isku halleyn karo.