SUUL CAWRO
SHEEKADII "SUUL CAWRO".
Waa hore waxaa jiray laba gabdhood oo walaalo ah, kalana bah ahaa. Labada gabdhood midi nacas ayey ahayd, waxaana la odhan jiray Dhoongo, ta kalena fariid bay ahayd, waxaana la odhan jiray Saluugla.
Maalin maalmaha ka mid ah ayey labadii gabdhood kala raaceen labadoodii adhi ee labada bahood, una daaq geeyeen meel gocoso ama goon leh. Markay rabtii adhi- gii ku soo ekeeyeenna gocosadii ayey qoteen. Intay go- cosadii ku sii jeedeen ayaa adhigii hal cabbaar ah ka durkay. Had iyo jeer intay qodanayeen gocosadii inantii Saluugla ee fariid ahayd adhigooda ayey ilxoolaadinay- say, markuu dhamcana marba way soo dabaalaysay, hase yeeshee inantii Dhoongo ee nacasta ahaydse ilayn horey Soomaalidu hadal u dhammaysay, wataa ku maah- maahday <<Ilayn doqoni hadhkeedeey hoosiis moodaayee">, waxay bidhaansataa marba soonah ku beegan halkuu adhigu markay (Soonahda oo midabka adhiga leh "cad- daan"), waxayna ku tidhaahdaa walaasheed Saluugla, "Col qaadkiinu hawl badanaa kaayagiiba waa ka halkiisii daaqayee; Bismilaahi Raxmaani raxiim ! naadee wad- nihii buu kaa qabtayee".
Waxay gocosadii gurtaanba inantii Saluuglana adhigoodii ilaashato, Dhoongana ay bidhaansato soonah- dii, sidaas ayaa cadceeddii ku gaabatay inanti fariida ahaydna ku carraabisay adhigoodii kuna hoyaatin gey- say, nacastiina is tidhi soo kaxee adhigii, saa meeshuba waa cidla, waxay bidhaansanaysayna waaba Soonah, adhigiina saaka salaadii ayuu jiciirtay, duurkiisana xu- lay. Sidaa ayaa adhigii Dhoongo ku baadiyoobay kuna tegay.
Dhulkii wuxuu noqday hiimsehiimse, runtii mar- kay ogaatay in aan adhi meesha joogin ayey baroor ma- daxa qabsatay iyadoo ku dhawaaqaysa erayo naxdin iyo uurkutaallo leh, "Alla hoogay oo ba'ayeey habeen baas
ma ii dumay, ma caawaa horor ka dhergay hantidayadii">. Waxay cabbaar baroorataba tafa intay qabsatay ayey baadidoon tagtay. Waxay ruclayso oo hadba geed baa- riga ku qaaddo ileyn raad iyo ruux toona arkimayso 00 waa mugdiye, xeelad baadi-doonna ma taqaane, waxay la kulantay Waraabe, waxayna weydiisay adhigii "ma arag ayuuna ku yidhi ee halkaa mar.
Waraabihii markay ka tagtay waxay kale oo la kulantay Harimacad, su'aashii Waraabaha ay waydiisay ayey isna u jeedisay, wuxuuna ugu jawaabay, "Maya ee halkaa mar.
Hal cabbaar ah markay ka socotay Harimacadkii ayey u timi Shabeel, su'aashii ay Waraabaha iyo Hari- cadkii ay waydiisay oo ahayd, adhi ma aragteen? ayey isna weydiisay, "Maya ee halkaa mar", ayuu isna ku yidhi
sidii kuwii hore oo kale.
Markay ka tagtay Shabeelkii ayey waxay la ku- lantay Aar, waxayna waydiisay su'aashii habar-dugaaggii hore ay u jeedisay oo kale, wuxuuna ugu jawaabay, "Haa ee haddii aan kuu sheego adhigiinii miyaad ii sheegi waalidkaa"? "Maya ee ii sheeg adhigii", ayey ugu ja- waabtay Dhoongo. "Aniga ayaa cunay adhigiinii, hase yeeshee waan kuu soo wada hurqaacayaa dhammaantii isaga oo bedqaba, haddiise aad ii sheegto waalidkaa meel kasta tagoo waan ku cunayaa", ayaa Aarkii ku yidhi Dhoongo. Adhigii oo wada nool ayuuna u soo hunqaa- cay markay wacadkii kala qaateen.
Haddaba waxey soo kaxaysay nacastii adhigii oon waxba ka maqnayn. qabtana wacadkii Aarka ay la ga- shay. Dabadeed gurigoodii ayey adhigii keentay, balan- balkii soo maray oo dhanna waxay uga sheekeysay hoo- yadeed Xaadsan, iyada oo si tafaftiran ugu marisay shee- kadii iyada iyo Aarkii, halkaasna ku jebisay wacadkii dhex yaalay, ileyn waa tii hore loo yidhi, "Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan". Saw Aarkiina kamaba ha- dhinee duleedka ayuu ka dhegeysanayey sheekadii dhex martay Dhoongo iyo hooyadeed, halkaas ayuuna ku ogaa- day in ay jebisay wacadkii.
Xaadsan waxay u sheegtay Dhoongo in adhiga la aroorinaayo isla caawa, isla markay ogaatay in adhiga
la aroorinayo ayey ku tidhi hooyadeed, "Hooyo haanteen- na biyaha igu rid, haddii kale Aarkii ayaa i cunaya aan ku wacad furay". Xaadsan intay ku ridday haantii ayey ka soo lushay dhig dhexadii aqalka, adhigiina aroorisay. Aarkii oon fogeyba ayaa isla markii ay Xaadsan adhigii
dareerisay ka dib u soo weydaartay aqalkii oo gundhada jaray, isaga oo baadi-goobaya inantii Dhoongo, wuuna ka waayey ilayn waa tii hooyadeed qarisaye.
Halkaas ayaa Aarkii ileyn sidan ku tegi maayo e uu ku kacay khiyaamo ay ugu soo baxdo haddii ay aqalka ku jirto.
Erayadii khiyaamada ahayd ee Aarku vidhina waa kuwan :
Alla aan aqalkooda ku xaaro.
Alla aan subaggooda ku xaaro.
Alla aan saliga aabaheed ku xaaro.
Alla aan saliga hooyadeed ku xaaro.
Alla aan saliga walaalkeed ku xaaro.
Alla aan saligeeda ku xaaro.
Markuu saligeeda soo qaaday ayey tidhi ileyn do- qoni waa barteed yaqaan ee, "Waar hanagaga xaarin", waxay is nabto oo dhegaysatoba.
Aarkiina, waaba intuu rabay ee Eebahay ka bar- yaayey ee intuu ku booday dhig-dhexadii ayuu soo goos- tay haantii. Halkaas ayuuna ku cunay inantii Dhoongo nacas ee ku wacad furtay. Intii uu cunaayey ayaa suul- keedii midig kaga dhacay haantii biyaha.
Aarkii markuu dhammaystay raqdii, suulkii aanu arkayn mooyee ayuu ka faaqsaday, kuna noqday goobtii u hoyga ahayd. Muddo yar ka dib ayey Xaadsan oo wad- da adhigii oo cokan keentay gurigii iyada oo uu hayo daal iyo harraad. Kolkay aqalkii foodda soo gelisay wa- xay ku aragtay qaab aan ahayn kay kaga tagtay, waxay- na garatay inanteedii Dhoongo in halkaa lagu cunay. Markay aragtay haantii oo dhex taal aqalkii, waxay soo qaadatay koombadii biyaha lagu cabbi jiray, ayna dar- satay haantii intay tidhi "Caawa ayaa gabbal baas ii du- may", cabtayna, waxaana u raacay biyihii oo ay liqday suulkii inanteedii ee ka hadhay Aarkii lagu wacad furay. "Ileyn meeshii Eebahay wax ka wado dameerahaa weylo dhala", Xaadsan ayaa halkaa uur ku yeelatay, siddeyna intii dumarka sedkooda ahayd, dabeetana dhashay inan la yiraahdo "Suul-Cawro".
Waa cibaaro Ilaah ee "Suul-Cawro" wuxuu lahaa astaamo la yaab leh oo fara badan, waxaana ka mid ahaa, isaga oo le'ekaa "Suul" misana ah nin dhan, isaga oo ahaa Shaqaab xeelado badan runta iyo beentuna isugu mid tahay, qof kastana maskaxdiisa beddeli kara; waxa sa- nina u yihiin baas, waxa xumina wax san. Fikrad kasta 00 san layskuna raaco wuu ka hor iman jiray, wuxuuna qaadan jiray lidkeeda, haddii lagu rogmanaayo. Si kasta 00 wax u dhacaanna wuxuu ahaa nin aan kala jeclayn.
Markuu Suul-Cawro muddo jiray, wuxuu aabihii Digaale ka codsaday in uu raaco lo'da, isaga oo leh "Aabe aniga aan raaco lo'da maanta waan ku filahay ee, horta dad kale ayuunbaa raaca ee maxaa aniga laygu diri waayey" ?
Digaale markuu muddo iska dhega maray inankiisa isaga oo had iyo jeer ugu jawaaba waad yar tahay ee waynowe soo kor, ayuu maalin maalmaha ka mid ah mar- kii Suul-Cawro oo diiday joog iyo jiif uu u oggolaaday in uu raaco lo'da, isaga oo dardaarankanna faray:
"Raac lo'da maanta una daaqgee meesha aan la- hayn colka iyo abaarta toona".
Suul-Cawro oo ahaa ninkii aan dabeecadihiisa qa- loocnaa soo sheegnay ayaa kaxeeyey lo'dii, una daaq- geeyey meeshii lahayd colka iyo abaarta ee lagala dar- daarmay. Waxa halkaa dabadeed kula kulmay Suul- Cawro iyo lo'dii colkii iyo abaartii lagala dardaarmay. Colkii markuu u yimid lo'dii, ayaa Suul-Cawro galay bur caws ah hoostiis. Colkii wuxuu ku dhawaaqay "Lo'da yaa la jooga" ? Suul-Cawro ayaa u jawaabay wuxuuna yidhi, <<Suul-Cawro ayaa la jooga, wuxuuna ku jiraa saca dhiin-dhiin burka u dhaw", burkii ayaa colkii yimid waa- na ka waayeen. Mar labaad bay ku dhawaaqeen "Yaa la jooga lo'da", wuxuuna ugu jawaabay, Suul-Cawro ayaa la jooga wuxuuna ku jiraa saca dhiin-dhiin dhegtiisa mi- dig", waana laga waayey dhegtii markii la gooyey. Mar- kuu colkii waayey waxa la jooga lo'da ayey kaxaysteen, markaas ileyn waa jinee ayuu ka soo dhacay Suul-Cawro
sacii dhiin-dhiin dabadiisa. Halkaas ayuu Suul-Cawro qaylo oodda ka qaaday, una soo qayladoon tegay aabihii Digaale, isaga oo ku dhawaaqaya, "Aabow lo'dii lala teg". Odaygii Digaale ayaa ka hor yimid Suul-Cawro, wuxuuna ku yidhi, <<Lagu siiqaadyee orodoo hooyadaa u tag, wa- xaanad ku tidhaahdaa weylihii sii wada waraabi oo weyl walba qabaalkeedii ku waraabi", Suul-Cawro isla markii- ba wuxuu u yimid hooyadiis isaga oo ordaaya, wuxuuna ku yidhi, <<Naayaa waa naagta waxa aabahay ku yidhi weylaha wada qal oo weyl walba qabaalkeedii intaad wa- da bislaysid ku rid oo qanjidh qeedhin yaanan u iman". Xaadsan oo fajac iyo amakaag dhabanka la haysa ayaa amarkii fulisay, intay run u qaadatay oo weylihii wada
10.
qashay oo intay bislaysay mid waliba ku ridday qabaal- keedii. Digaale oo lo'dii soo dhiciyey, colkiina daba socdo ayaa halkaa ka soo baxay muddo ka dibna yimid gurigii. Kolkiiba Xaadsan ayuu u dhawaaqay Digaale oo yidhi, "Xaadsan soo daa weylaha". Iyada oo argagaxsan ayey tidhi, "Digaale saw digii soo faray, inankaaga, wada qal weylaha oo mid walba ku rid qabaalkeeda, dee sidii ayaan sameeyey". Digaale intuu naxay oo ciil iyo way timaha isaga rifay ayuu yidhi, "Ileyn rag ciil isuma dooxo, way iyo way, iigu yeedh la qaadka". "Kaalay lagu qaadayee, aabahaa ayaa kuu yeedhaya ee", ayey ku dhawaaqday Xaadsan. Isla markiiba wuxuu u yimid aabihii. Digaale oo timihii taagan yihiin oo dhiilaysan ayaa ku yidhi inan- kiisii, "waar orodoo lagu qaadyee raggaa iigu yeedh".
Suul-Cawro isaga oo isticmaalaya xeeladihiisa been- ta iyo xumaha ahaa ayuu intuu u tegey raggii ku yidhi aabahay wuxuu idin yidhi, car waa ninka soo qaata wa-
ran iyo gashaano i dila. Isla markiibana intay soo qaa- teen warmahoodii iyo gaashaamahoodii ayey halkii ku di- leen aabihii Digaale.
Xaadsan oo dhinac ay cuskato la' murugo iyo uur- kutaalona hayso oo barooranaysa ayaa ileyn ka samri- mayso oo waa beeree ku tidhi, "Lagu qaadyee orodoo dumarkaa u tagoo oo waxaad ku tidhaahdaa hooyadeey baa idiin yeedhaysa". Suul-Cawro intuu dumarkii u tagay ayuu ku yidhi hooyaday waxay idin tidhi, car waa naagta mudac iyo mandiil soo qaadata oo i disha, ileyn ceebtiis maahee waa caadadiise, intay u yimaadeen ayey dileen hooyadiina.
Halkaas ayuu reerkii afka oodda uga saaray ileyn waa cawro, magacna bilaash uma baxo ee.
Waxaa reerkii ku soo hadhay isaga iyo laba gab- dhood oo ay walaala yihiin, Cambaro oo la sido iyo Ceeb- la oo isaga ka weyn. Reerka maamulkiisii iyo hawlihiisii kala duwanaa waxay ku soo baxsadeen Ceebla iyo Suul- Cawro.
Si ay hawsha u kala qaybsadaan ayey Ceebla ku tidhi walaalkeed, "Waar ama xoolaha wixii hadhay raac ama inanta hay, ilayn ceela uma qodna ciidanna uma maqna ee", wuxuuna ugu jawaabay, "Anigu inanta ayaan la joogayaa". "Waa yahay ee waxartaasna inoo sii qal inantana la sii joog, xoolaha ayaan raacayaa e", ayey ku tidhi Ceebla.
Markay Ceebla xoolihii raacday ayaa Suul-Cawro inantii Cambaro ee walaashiis ahayd iyo waxartiiba qa- lay oo intuu kariyey wada cunay, lug inantii ah iyo jeeni waxartii ah oo uu Ceebla u dhigay maahee. Isaga oo Suul-Cawro xeeladihiisa isticmaalaya ayaa wuxuu SOO qabtay (TUKE) oo intuu labada addin ka xidhay u ge- liyey maryihii inanta uu qashay oo inta uu deday jiifiyey gogosheedii, isaga co uga gol leh inuu khiyaameeyo wa- laashiis markay soo hadhgalmooto.
Markii ay Ceebla timid ee xoolihii soo hadhgeli- say, ayuu siiyey hilibkii uu u dhigay, markaas ayey tidhi, <<Waar lugtu qadhaadhaa", "Naa kibir ayaa kaa batay ee na sii hilibka ama cun", ayaa Suul-Cawro ugu jawaabay, <<Waar naga hoo qadhaadhkiisa", ayey Ceebla tidhi. <<Waar inantii meeday", ayey Ceebla su'aashay, "Way huruddaa", ayuu ugu jawaabay Suul-Cawro.
Markii dooddaasi dhexmartay ayey Ceebla qaba- tay xoolihii ileyn cidi ugama dambeyne. Waxay xoolihii la jirto maalintii gelinkeedii dambe oo dhan, gabalku mar- kuu dumay ayey soo hoysay. Iyada oo ka fekeraysa cu- nugtii yarayd ee walaasheed ahayd ayey weydiisay Suul- Cawro isla su'aashii, "Waar meeday inantii"?, wuxuuna ugu jawaabay sidii hore, "Way huruddaa". Ceebla oo la yaabban hurdo badnida Cambaro ayaa waxay tidhi, <<Waar inantu hurdo badanaa sow ma toosto" ? Suul- Cawro oon libiqsanayn ayaa wuxuu ugu jawaabay, "Ilaa galabta ayey soo jeedday oo haddeer bay seexatay>>.
Ceebla oo rumaysan hadalkiisii ayaa intay kacday, gashay xeradii adhiga si ay maqasha ugu dhigto, una soo listo. Bidhiqii inanta Cambaro lagu habi jiray ayuu u geeyey, in ay caano ugu soo listo Cambaro, markaas ayey ri' uga soo dhiijisay una dhiibtay isagii, ileyn haddii ay iyadu inanta caanaha siin lahayd hawshii adhiga ayaa- nay weli ka fara bixin e. Intuu Suul-Cawro gurigii la galay caanihii ayuu cabbay ileyn inani meesha ma joog- tee, tukana caano cabbi maayo e. Koobkii ayuu mar la- baad Ceebla ku celiyey isaga oo leh, "Inantii may dhergin ee ugu soo celi".
Iyada oon weli ka shakiyin ayey intii in le'eg ugu soo listay Ceebla, intuu soo noqday ayuu misna laacay. Suul-Cawro intaa kuma joogine dhawr jeer oo danbe ayuu koobkii ku celiyey Ceebla isaga oo ku adkaysanaya in aanay dhergin inantii, iyana mar walba ugu soo lisaysay ilaa uu ka dhergayey, markaas ayuu intuu koobkii ka joo- jiyey ku yidhi, inantii way dheregtay.
Ceebla oo ilaa saaka hawl ku foognayd ayaa mar- kay dhammaysay adhigii iyada oo daallan, gataati-dhac- na ah soo gashay aqalkii, kuna tidhi, Suul-Cawro, "Waar inanta ii keen aan legga geliyee". "Walaal waad daal- lantee iska seexo, anigaa legga gelinaya ee", ayuu ugu jawaabay Suul-Cawro. Ceebla intay iska seexatay ayey ku tidhi, <<Waar aroorta waynu guuraynaayee goor hore toos".
Markii oogu istaagay ayey Ceebla toostay, kicisay- na walaalkeed si ay u bilaabaan raridda awrta. Ceebla oo ka fekeraysa walaasheed Cambaro ayaa Suul-Cawro ku tidhi, <<Waar ma awrka inanta la saarayo ayaad raray- saa ood u gureyn, mise ka maqasha" ? "Naa anigu ka inanta ayaan rarayaa", ayuu yidhi Suul-Cawro. Halkaas ayaa Suul-Cawro ku raray awrkii inanta iyana kii ma- qasha. Markii ay dhammeeyeen rarkii ayaa awrtii iyo xoo- lihiiba la dareershay. Ceebla oo had iyo jeer tala gelisa wiilkooda, sugtana sida hawsha loogu kala aadi lahaa, ayaa iyada oo kala dooransiinaysa tidhi, "Waar ma awrta ayaad kaxaynaysaa mise xoolaha"? "Walaal awrta ayaan kaxeynayaa", ayuu hadalkii ugu celiyey. Halkaas ayuu awrtii gadhka ku qabtay iyana xoolihii ku kaxay- say, una kaceen meeshii ay ku guurayeen.
Markii ay gaareen sabadii geeddigoodu ku ekaa. damceenna inay furaan awrta, ayey taladii haddana ku celisay iyadoo kala dooransiinaysa labada awr kuu rabo inuu furo, wuxuuna doortay inuu furo ka inantu saaran tahay. Halkaa waxay ku bilaabeen furiinkii awrta iyada 00 Suul-Cawro furaayo kuu rabay, Ceeblana kii maqasha. Markii Suul-Cawro tu'iyey awrkii ee gibishii ka qaaday ayaa waxa intuu ku dhawaaqay waaq... waaq... waaq... ka duulay guradiisii, "Tukihii", ileyn weynu ogayn waxa meesha ku jiraye. Intii awrtu soconaysay ayaa ruxniinka socodku dedkii saarnaa ka riday Tukihii, xadhigiina uu goostay. Goobtaas ayaa khiyaamadii Suul-Cawro ku fa- shilantay, Ceeblana ogaatay in waxa meesha ku jiray uu tuke yahay inanina aanay joogin, intayna awrkii kor ti- mid ayey ku tidhi, "Waar lagula tagyee meeday inantii, waxaad ilaa shalay ii daboolaysay ma Tukaa" ?
Ceebla intay u soo dhaqaaqday xaggiisii ayey qab- satay iyada oo ciil iyo uurkutaallo qabta, garaacdayna Suul-Cawro iyada oo ku celcelinaysa, "Waar ii sheeg mee- shaad inantii marisay". Markuu xanuunsaday ayuu run- tii u sheegay inuu Cambaro qashay shalay, cadkii qa- dhaadhaa ee ay diidaysayna uu ahaa lugteedii, halkaas ayey Ceebla ku eriday Suul-Cawro oo caydhisay kana dey- risay reerka.
Suul-Cawro oo ogaaday in khiyaamadiisii u dan- baysayna ay fashilantay, reerkiina uu rogay, kimis dam- bena ugu laabneyn ayaa iska tegey.
Wuxuu socdaba wuxuu la kulmay laba hablood oo gocoso guranaaya, wuxuuna ku yidhi, "Shalay duhurkii ayey walaashay i soo eriday ee gocosada wax iga siiya".
Gabdhihii waxay siiyeen afar xabbo oo gocoso, midiba laba. Laba xabbo oo ka mid ah gocosadii la siiyey wuu cunay, labadii kalena wuu aastay Suul-Cawro. Labadii xabbo ee uu aastay ayaa roob ku da'ay wayna u soo ba-
xeen.
Laba riyaad ayaa u yimid oo cunay gocosadii u Soo baxday Suul-Cawro.
Dabadeed wuxuu u yimid Suul-Cawro reerkii laba- da riyaad ee gocosada ka cunay lahaa, wuxuuna ku yidhi, <<Reeryahow islaameed shalay duhurkii ayey walaashay i soo eriday, waxaanan u imid hablo gocoso qodanaaya, waxay i siiyeen afar xabbo oo gocoso ah, laba waan cu- nay, labana waan aastay, wayna ii soo baxeen, riyihiin- naas ayaa iga cunay, haddii aan la isiinna maaraday
waa mataan>>.
Labadii riyaad waa la siiyey, waanu kaxaystay, wuxuuna dhex keenay geel, wuxuuna yidhi, "qaalinay jebi, qaalinay jebi", qaalintii ayaa ku durdurisay labadii riyaad oo jebisay.
Suul-Cawro wuxuu u yimid reerkii lahaa qaalinta, wuxuuna uga sheekeeyey waxyaalihii uu soo maray ilaa maalintii walaashii soo caydhisay, gabagabadii sheeka- dana wuxuu yidhi, "Laba riyaad ayaan watay, waxaana iga jebisay qaalintiinaa, haddii aan la i siinna maaraday waa mataan", halkaasna waxa lagu siiyey qaalintii.
Qaalintii isaga oo wata ayuu u soo galay geel, baar- qab ku jiro, wuxuuna ku yidhi, "Baarqabow jebi", baar- qabkiina halkaa ayuu ku jebiyey qaalintii. Suul-Cawro sidii caadadiisa ahayd wuxuu u tegey reerkii baarqabka lahaa, wuxuuna sidii hore oo kale ugaga sheekeeyey wi- xii uu la soo kulmay ilaa intii walaashii soo eriday, wu- xuuna ku soo koobay hadalkiisii oo yidhi, "Waxaan wa- tay qaalin, baarqabkiinaana iga jebiyey haddii aan la i siinna maaraday waa mataan", halkaas ayaa lagu siiyey, baarqabkiina uu ku kaxaystay, wuxuuna la soo galay keyn libaaxyo leh, wuxuuna yidhi "Libaaxow cun", hal- kaas ayuu ku cunay Libaaxii baarqabkii Suul-Cawro. wuxuuna
Dabadeed wuxuu u tegey reer u dhow, uga sheekeeyey sidii hore oo kale wuxuu dhibaato soo maray ilaa intii walaashii soo eriday iyo sidii uu uga soo baxay, wuxuuna ku soo gebagebeeyey, "Waxaan lahaa maal adduunyo baarqab, waxaana iga cunay Libaaxaa, haddii aan la dilin oon saanta la iiga soo saarin maara- day waa mataan". Halkaas ayaa Libaaxii lagu dilay saantiina looga bixiyey. Suul-Cawro wuxuu qaatay saan- tii, wuxuuna u yimid laba gabdhood oo qurux badan oo habro-wadaag ah, wuxuuna ku yidhi, "Naa maandhooyin, saanta iigu joogjoogsada". Gabdhihiina saantii ayey ku joogjoogsadeen.
Suul-Cawro wuxuu u yimid waalidkii dhalay gab- dhahaa, ugana sheekeeyey wixii uu ka soo gudbay dhi- baato ilaa muddadii ay walaashii soo eriday, wuxuuna ku soo gebagebeeyey oo yidhi, "Maqaar ayaan xoolo watay, gabdhihiinnaana igaga joogjoogsaday, haddii aan la i siinin gabdhahaana maaraday waa mataan". Halkaana labadii gabdhood ayaa lagu siiyey Suul-Cawro oo loogu guuriyey laguna xooleeyey.
Muddo markuu Suul-Cawro halkaa ku qabay la- badii gabdhood, ayuu maalintii dambe ku yidhi, "Waan socdaalayaa ee reerkii waa kaa". Sida haweenka Soo- maaliyeed caadada u ah marka ninku ka socdaalo waxay u dhigaan wax "KAYD" la yiraahdo. Sidaa darteed gab- dhihii habro-wadaagta ahaa waxay midiiba gaarkeed u bilowday "Kayd dhigid">.
Isla markaa Suul-Cawro meelna uma kicine wuxuu ku dhuumaalaysan jiray degaanka u dhow reerka, wu- xuuna u soo dhuuman jiray reerka marka xoolaha loo baxo ama la seexdo, kana xadi jiray kaydka gabdaha mid ahaan, Xaawo.
Xaawo ayaa Ilaahay yaab u keenay oo marba inta ay u timaado habar-wadaagteed, Faadumo uga sheekeysa waxa ku dhacay, weydiisana in iyana kaydkii laga xaday. Faadumona waxay had iyo jeer u sheegtaa inay iyadu nabad qabto.
Suul-Cawro wuxuu muddo god iyo geedba galo, wu- xuu yimid reerkii isaga oo iska dhigaaya nin socdaal ka yimid, alaab yarna tuurta ku sita, wuxuuna ku soo hor- reeyey barbarkii Faadumo, ileyn wuu ka war qabay mee- sha wax yaaliin ee.
Markuu nabdaadiyey Faadumo, ayey gogol u dhig- tay una keentay biiradii Kaydka oo ah "Haan caana ah". Suul-Cawro inta uu labada dhinac qabsaday ayuu ka laa- cay, markuu intii u dambaysay ka hiin-hiinsanayey ayaa in faar ahi kaga dhacday laabta. Markaas ayuu Faadumo ku yidhi. "Naa iga leef". "Waar adba iska leef", ayey Faadumo ugu jawaabtay, halkaas ayaa intuu Suul-Cawro oon hore uga soo sheekeynay jimidhkiisa, haan gadhoo- dhana ay ku tagtay, iska leefay faarkii, isna kama dambeyn ee halkaas ayuu ku qarxay kuna xijaabtay, dhi- baatadii uu dadka soo mariyeyna cawaaqibkeedii ku dhacay.
"Sheeko kasta waxay leedahay cashar..."
Faahfaahinta Sheekada
“ Sida aan u ognahay afkeenu wuxuu hodan ku yahay xagga suugaanta. Ha ahaato gabayo, sheekooyin, heeso, maahmaaho iyo dar kaleba, gaar ahaanna waxa aad loogu tiriyaa xagga reer-guaraaga oo nolosheenu ka soo jeeddo ama aadba ugu badan tahay. Sidaa awgeed waxa habboon in suugaantaa iyada ah la qoro oo lagu ababiyo carruurteena ku jirta Dugsiyada Asaasiga ah.
Sheekadan “SUUL CAWRO ” waxay ka mid yihiin suugaantaa ka soo jeedda miyigeenna, aadna caanka ugu ah dalkeenna. Sheekadan, waxay ka mid tahay sheekooyinka ay ku maaweelooto carruurteenu ee ay ku ababiyaan hooyooyinka Soomaaliyeed.
Sheekadani waxay ku habboon tahay carruurteena ku jirta dugsiyada asaasiga ah, gaar ahaan heerka dhexe. ”