Martiqaad Waraabe
Waxaa la yiri, baribaa maalin maalmaha ka mid ah, uu Waraabe martiqaad aad u balaaran u sameeyey duurjoogta oo dhan, martiqaadka markii ay dhamaysteen ayuu Waraabihii khudbad jeediyey, oo uu yiri; Walaalaayaal waxaan maanta iskugu kiin yeedhay inaad magacaa waraabe iga badashaan oola iigu yeero AAMIN.
Xaywaanadii ayaa waraabihii su'aal waydiiyey oo ku yiri, waar waraaboow maxaad magacaagan aad ku caano maashay ee cid walibaa kuu taqaano aad iskaga badelaysaa, markaasaa intuu waraabihii qoslay yiri " markaa waraabe la iigu yeero ayaa waxaa iga ordaa xoolahaa oo dhan" markaas baa libaaxii shirka ka dhex kacay ku yiri waraabow ri ayaanu geedkaa caawa ku xidhaynaa adigana la joog, hadii aanu berito aroortaa kuugu nimaad ri'daa oo aanad cunin waxaanu kuu bixin AAMIN.
sidaa ayey xayawaankii kaga tageen waraabihii intay ridii geeg ugu hoos xidheen habeenkii ayuu waraabihii cunay intaa iska hayn kari waayey, markii aroortii xaywaankii soo tooseen ayuu waraabihii orday oo yiri" NINKII WAX NABADGALYAA, AAMINOW UGU YEEDHA" markaasuu orday sidaasna ayuu waraabhihii ku waayey in loo bixiyo aamin.