Erayada 'BOR'

borobogaanda

Qeexid

(siyaa.) War iwm oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iwm.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

borojekshan-koombeed

Qeexid

(-dyo, m.dh) (juqr.) Khariidad la soo saaro marka warqad koombo oo kale u samaysan lagu wareejiyo galoobka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa koombada dusheeda, dabadeedna koombada waa la kala fidiyaa.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

borojekshan-sargo

Qeexid

borojekshan-sargo'an m.l (-no, m.dh) (juqr.) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.

borojekshan-toobineed

Qeexid

(-dyo, m.dh) (juqr.) Khariidad la sameeyo marka galoobka lagu wareejiyo warqad toobin oo kale u samaysan. Figta toobinku way ka sarraysaa cidhifka dhulka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa toobinka dushiisa, dabadeedna toobinka ayaa la kala fidiyaa.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

boromiin

Qeexid

(kiim.) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).

Qaabnaxweed & Naxwe

m.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

boronkiito

Qeexid

(daaw.) Halamacoodka dhuumaha neefta waxayna u kala baxdaa mid muddo gaaban (acute) iyo mid muddo dheer (chronic). Midda hore waxa lagu yaqaan: qufac xaako leh, isku roorid dhuumaha neefta; midda labaad waxaa lagu yaqaan: xab badan oo dhuumaha neefta ka xaruuma.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

borookaariyootig

Qeexid

(-gyo, m.dh) (baay.) Noole walxaha hiddo-sidaha aanay ku xidhnayn bu'da unugga.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

boroolataariyad

Qeexid

(siyaa.) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

borootiin

Qeexid

(-nno, m.dh) (baay.) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

borotiin-bu

Qeexid

borotiin-bu'eed m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Iskudhis kasta oo laga helo unugyada noolaha kasta oo ka kooban asiidh bu'eedyo (DNA ama RNA) iyo borotiin isu tegay.

borotista

Qeexid

(-ooyin, m.l) (baay.) Boqortooyo koobaysa kala soocidda noolayaasha sahlan ee bayoolajiyeed. Waxa ka mid ah aljiga, fangiga, bakteeriyada iyo borotosoowaha.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

borotobalaasam

Qeexid

(baay.) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.u

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

u (urur) — urur (collective)

Qeyb: naxwe

borotokool

Qeexid

Diiwaan.

Heshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

borotoon

Qeexid

(-nno, m.dh) (kiim.) Saxar asaasi ah oo leh saldanab togan. B.nnadu waa iniin-bu'eedyo laga helo dhammaan bu'leyda.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l