Erayada 'EM'

embolas

Qeexid

(-syo, m.dh) (daaw.) Walax, sida: xinjir, dufan, hawo, xabka ilamaha, dhiigaa raaca ka dibna ku joogsada meel oo xididka awda; dhiiggana halkaas wareegiisa ku joojiya.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

emen

Qeexid

Meel jiq ah oo dhirtu ku badantahay kuna fiican ku dhuumashada, badanaana dugaagga aan laga waayin.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

emfiseema

Qeexid

(daaw.) Ereygu wuxu ka soo jeedaa gariig micnihiisuna waxa weeye “dabeyl gashay soohyada” waxaase loo isticmaalaa xaalad cudur gaar u ah sambabada taaso ay keentay jiidmadii iyo isku soo roorkii (elasticity) sambabada oo luntay. Waxa yaraada isdhaafshadii O2 iyo CO2 markas waxaa timaadda dhibaato neefsasho.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l