Erayada 'FOL'

folkaano

Qeexid

(-ooyin, m.l) (jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

foloora

Qeexid

(juqr.) Nafleyda dhirta ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foloora wuxuu la xiriira erayga foona oo loo isticmaalo nafleyda xayawaanka.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh