Erayada 'IN-'

in-gudbiye

Qeexid

(-yayaal, m.l/dh) (kiim.) Walax astaanteeda gudbineed ay u dhexeysa tan gudbiye (bir) iyo tan ma-gudbiye (caag). Marka loo eego gudbiyeyaasha, caabbiga in gudbiye waxa uu la sii yaraadaa korodhka heerkulka. In-gudbiyeyaasha waxa ka mid ah adkeyaasha wiriqlaha ah sida jeermaniyam iyo silikon.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l