Erayada 'LIM'

limad

Qeexid

Falidda dhul beereed sarac ku yaal oo caws iwm laga falay.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

liman

Qeexid

Beer wax la limay ahaansho.

Qaabnaxweed & Naxwe

f.mg4

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

limasho

Qeexid

eeg limo.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.f.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

limf

Qeexid

(-fo, m.l) (c.nafl.) Dareere aan midab lahayn oo laga helo habdhiska limf, kaas oo ka soo shubma meelaha u dhexeeya unugyada. Limfku wuxuu u egyahay balaasmaha dhiigga wuxuuna ka koobanyahay biyo iyo walxo kale oo ku milan, sida cusbo iyo borotiinno.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

limfosayt

Qeexid

(-tyo, m.dh) (c.nafl.) Nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu' ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lid jidh-dhaliye si loo soo saaro lid jidh-gale.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

limid

Qeexid

eeg lin.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.f.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

limmasho

Qeexid

eeg limmo.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.f.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

limmo

Qeexid

Dhiiqo darteed la socon waayid.

Qaabnaxweed & Naxwe

f.mg3

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

limnaan

Qeexid

eeg liman.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.f.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

limnaansho

Qeexid

/dh ld limnaan.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

limo

Qeexid

Beer harammo ka gurasho.

Qaabnaxweed & Naxwe

f.g3

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe