Erayada 'QOQ'

qoqob

Qeexid

(xis.) Qayb ka mid ah xarriiq ama xood oo u dhexeeya laba barood oo ku yaalla xarriiqda ama xoodka.

(xis.) Gobol u dhexeeya boqonka goobo iyo qaansada ku aaddan ee gooya boqonka. Tusaale ahaan, bedka u dhexeeya boqon goobo iyo qaansada ku aaddan waa qoqobka goobada.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

qoqob

Qeexid

Dhis, raro, ood iwm oo lagu kala qaybsho guri, xero iwm.

Dhul yar oo hareeraha ka xaydaaman.

Karantiil.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

qoqob

Qeexid

Xero ama aqal gudahiisa dhis ku kala goyn.

Nafley karantiilid.

Qaabnaxweed & Naxwe

f.g1

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

qoqob-horraad-maskaxeed

Qeexid

(-dyo, m.l) (c.nafl.) Qoqobka hore ee qayb bareed walba ee maskaxda kuna fadhiya ilaa xagga dambe xarriiqda dhexe.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

qoqoban

Qeexid

Xero, aqal iwm wax la qoqobay ahaansho.

Qaabnaxweed & Naxwe

f.mg4

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

qoqobgoo

Qeexid

Ilmaside wareegsamay ama afkiisu qalloocmay farsamayn.

Qaabnaxweed & Naxwe

f.g2

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

qoqobgoyn

Qeexid

eeg qoqobgoo.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.f.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

qoqobid

Qeexid

eeg qoqob2.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.f.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

qoqoble

Qeexid

Bayd faal, oo madaxa iyo tan majaha ka sarraysa min labo ka ah, manjaha iyo tan madaxa ka hooseysana min hal.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

qoqobnaan

Qeexid

eeg qoqoban. ld qoqobnaansho.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.f.dh

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

f (Fal) — Fal (verb)

Qeyb: naxwe

dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: dh

qoqobnaansho

Qeexid

/dh ld qoqobnaan.

Qaabnaxweed & Naxwe

m.l

m (magac) — magac (noun)

Qeyb: naxwe

l (Lab) — Lab (masculine)

Qeyb: naxwe | Jinsi: l

qoqobo

Qeexid

qoqobo aqal gudahiisa; daah. 2. Aqal la kala qoqobay intiisa qarsoon. 3. Maqaar weyn oo tolan oo hilibka iwm lagu qaato; xashin. 4. Dillaacinta nirgo naaska hooyadood laga goynayo carrabka laga dillaaciyo. 5. Oodda sarsarka kore iyo xerada xoolaha meel u dhexeysa oo awrtu fariisato.