Maahmaahyo

Murtida Afka Soomaaliga

Maahmaahyada bilowga 'B'

Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa.
Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
Baayac-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
Baddu waa isku dhadhan.
Badhi mag ma laha.
Balaayo buulkaagaa laga galaa.
Balaayo laba qad ma leh.
Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
Ballaysin bir ka adag.
Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya.
Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado.
Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
Barasho horteed dad ha nicin.
Barasho horteed ha i nicin.
Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
Bartii yaqaan bar xoolaad kuma korodho.
Bartii yaqaan, bari uma korodho.
Baruur qudhuntay baa baruuro qudhmisa.
Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
Basari buulkeeda bayaayo waaye.
Baso waa baso si kastoo loo subko.
Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
Been doode been buu dhaartaa.
Been fakatay runi ma gaadho.
Beeni raad ma leh.
Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
Beentaada hore, runtaada dambey dishaa.
Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay.
Beer wax dhalow ba’.
Beerka jecli, xaydha jecli.
Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo.
Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso.
Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay.
Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso.
Bilaysini Bir ka adag.
Bililiqo doon waa nabad diid.
Bir baa bir goysa.
Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
Biya sar tegey waa la sugayaa.
Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.
Biyo meel godan bay isugu tagaan.
Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la’aana baa xun.
Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee.
Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa.
Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa.
Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame.