Erayda xarafka 'B'
ba
Qeexid
ba (-ba) qr. 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.) Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
Wadaag:
ba
Qeexid
ba'1 m.l 1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.
Wadaag:
ba
Qeexid
ba'2 f.mg1 (-'ay, -'day; -bi'i) 1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.
Wadaag:
ba
Qeexid
ba'an f.mg4 (-'naa, -'nayd) 1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.
Wadaag:
ba
Qeexid
ba'id m.dh ld bi'id baji f.g2 1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iwm. jebin. 3. Bujin.
Labdhedig
-iyay, -isay
Wadaag:
ba
Qeexid
ba'san f.mg4 1. Wax la bi'iyay ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus. “Darbiga dhiigaa ku ba'san”.
Labdhedig
-naa, -nayd
Wadaag:
baa
Qeexid
(nax.) Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa1, ayaa, yaa3.
Qaabnaxweed & Naxwe
qr.dd
qr (qurub) — qurub (particle)
Qeyb: naxwe
dd (Diirad) — Diirad (focus)
Qeyb: naxwe
Wadaag:
baab
Qeexid
Qayb ka mid ah qaybo buug.
Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah.
Isku b.: wax isku nooc ah.
Qaabnaxweed & Naxwe
m.l
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
l (Lab) — Lab (masculine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: l
Tusaale
““Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.”
Wadaag:
baabaha
Qeexid
baabaha masiixiga m.l (dii.) Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga; boobka.
Wadaag:
baabasiir
Qeexid
(daaw.) Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir.
Qaabnaxweed & Naxwe
m.l
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
l (Lab) — Lab (masculine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: l
Wadaag:
baabba
Qeexid
baabba'1 m.l 1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id.
Wadaag:
baabba
Qeexid
baabba'2 f.mg1 (-'ay, -'day; -bbi'i) 1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.
Wadaag: