Naxwaha Af-Soomaaliga
Qayb ka mid ah Qaamuuska Af-Soomaaliga ee Puglielli & Mansuur (2012)
Waa soo koobid ku saabsan qaybaha ugu muhimsan ee naxwaha af-soomaaliga. Qayb kasta waxaa ku xusan sharraxaad kooban iyo tusaalooyin.
Magacyada
Caynta (lab/dheddig), tirada (keli/wadar)
Cayimayaasha
Qodobbada, tilmaamayaasha, lahaanshaha, weyddiimaha
Magacuyaallada
Ebyoon & dhimman: labada nooc ee magacuyaalka
Falalka & Isrogrogga
4 isrogrog + horkabeyaasha (shax dhammaystiran)
Qurubyada
Horyaalayaasha, xiriiriyeyaasha, diiradeeyaasha
Shaxda Isrogrogga
Dhammaan shaxaha isrogrogga falalka ee buugga
Qaybaha Hadalka ee Soomaaliga
Qaybaha ugu muhimsan ee naxwaha af-soomaaliga, oo looga baahanyahay xagga sifaynta af-soomaaliga, oo caadiyan loo yiqiin "qaybaha hadalka", waxay yihiin: magacyada, cayimayaasha, magacuyaallada, falalka iyo qurubyada.
Ereyada af-soomaaliga waxaa ka mid ah ereyo badan oo lagu magacaabi karo erey-saleedyo, yacnii waa ereyo aan weli naxwe ahaan caddayn waxa ay yihiin.
Tixraac: Puglielli, A. & Mansuur, C. C. (2012). Qaamuuska Af-Soomaaliga. Roma: RomaTrE-PRESS. Bogagga 895-945.
