1
(c.nafl.) Barta ay ku kulmaan laba dareenwade oo deris ah,taas oo ah inta u dhaxaysa dhammaadka miiq dareenwade iyo fadhaq dareenwadaha kan ku xiga. Sinaabyada xuubabka labada unug aad ayey isugu dhawyihiin. Gujada dareenwaduhu waxay kaga gudubtaa sinaabka miiq dareenwadaha caaradiisa oo soo daaya walax dareen-mootiye; taas oo dhex gesha ugana gudubta dululaatiga sinaab fadhaq dareenka dareenwadaha ku xiga.
Falanqaynta Naxwaha
Qaybta Hadalka
Magac Lab (m.l)
Isrogrog
-bbo, m.dh
Xarafka
S Β· SI
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
