Qof dawlad u wakiilatay in uu gobol xukumo. barashada baali-nololeed m.dh (taar.) Cilmiga ku saabsan nolosha dhulka dushiisa waqtigii hore, taasoo aan ku ogaanayno barashada lafihii hore. barashada badweynada m.dh (juqr.) Dersidda badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda biyaha oo la barto dhaqaaqooda, heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto, dhirta iyo xayawaanka, iwm. barashada cilmiyadii hore m.dh (taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad. barashada foosillada m.dh (taar.) Sayniska ku taxalluqa noolaha ciribgo'ay, asalkiisa ha ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha. barashada gabowga m.l (daaw.) Barashada aqoonta ku saabsan isbeddellada ka dhaca jirka iyo maskaxda oo la socda gabowga iyo dhibaatooyinka la xiriira. barashada lakabyada dhulka m.dh (ama jiyoolojiyada da' dhagaxeedka) (juqr.) Qayb juqraafiga ka mid ah oo wax ka sheegta siday isugu xigtay da'dii dhadhaabuhu sameysmeen. barashada unugga m.dh (baay.) Barashada dhismaha iyo shaqada unugyada.
Falanqaynta Naxwaha
Magac Lab (m.l)
-byo, m.dh
B · BA
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
