Aragtida lowriboronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo. asiidha yuurig m.dh (baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun. asiidh-bu'eed m.dh (-dyo ..., m.dh) (baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha. asiidh-cabirid m.dh (kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda.
Ereyada La Xidhiidha
Falanqaynta Naxwaha
Magac Lab (m.l)
-dyo, m.dh
Kimisteri (kiim.)
A · AS
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
