Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado. cimilada baddadhexe m.dh (juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba. cimilada lamaddegaanka m.dh (juqr.) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya.
Falanqaynta Naxwaha
Magac Lab (m.l)
-llo, m.dh
C Β· CI
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
