U gudub nuxurka bogga
SABAAD

joometeri

Magac Lab
Naxwexis.Xisaab
Xaraf JSubg JO9 xar
1

Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax. joometeriga saafan m.l Barashada shaxanno joometeriyeed iyo xoodad iyada oo la isticmaalayo habdhis kulan iyo habab aljebareed; joometeriga kaart. joometeriga Yuklid m.l (xis.) Habdhis joometeri oo ku saleysan qeexo iyo dhardhaarro uu dejiyey xisaabyahankii giriigga ahaa "Euclid", kuna qoray buugga la yiraahdo "The Elements". Buuggiisa koowaad waxa uu ka bilowdaa 23 qeexo oo ah nooca: "Bar waa mid aan qayb lahayn", "xarriq waa dherer aan ballal lahayn". Ka dibna waxa raaca 10 dharhdaarood oo "Euclid" uu u qaybiyey 5 fikrado wadaaga ah iyo weedho.

Tusaale Dheeraad ah1

“

Xisaabtu waxay ka kooban tahay qaybo aqooneed kala duwan sida aritmetig, aljebra, joometeri, tirokoob iyo barashada fansaarada.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Lab (m.l)

Isrogrog

xis.

Cilmiga

Xisaab (xis.)

Xarafka

J · JO

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
joometeri - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan