U gudub nuxurka bogga
SABAAD

habdhis

Magac Lab
Naxwe-syo, m.dhBaayoloji
Xaraf HSubg HA7 xar
1

Xubno isku shaqo ah oo jirka nafleyda ka mid ah sida kuwa dheefshiidka, wareegga dhiigga iwm. habdhis-dareen-wade m.l (baay.) Habdhiska unugyada iyo nudaha xayawaannada unugyo badanleyda ahi ay ugu kala gudbiyaan wararka unugyada dareenka iyo organnada dhaqdhaqaaqa, sida, muruqyada iyo qanjidhada. habdhis-deegaan m.l (-no, m.dh) (baay.) Beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed ee la xidhiidha iyada. habdhiska dareen-iswada m.l (c.nafl.) Qaybta dareenwadka dhexe ee lafdha-barleyda taas oo ka qaada guyooyinka dareenwade qaabilayaasha, geysana miiq-yada muruqyada sisiban ee wadnaha, dheefmareenka iyo organnada kale ee gudaha. habdhis-kulan m.l (-syo ..., m.dh) (xis.) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah. habdhis-limfeed m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl.) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga. habdhis-tiro-labaale m.l (-syo ..., m.dh) (xis.) Habdhis tiro oo ku salaysan sal laba godadka 0 iyo 1 oo keliya ayaa la adeegsadaa, halka habdhiska tobanle lagu adeegsado toban god. Godadka waxa ay u taaganyihiin koowaad, labaadyo, afraadyo, siddedaadyo, toban iyo lixaadyo iwm; halka habdhiska tobanle ay u taaganyihiin koowaadyo, tobnaadyo, boqollaadyo iwm. habdhis-tobanle m.l (-syo ..., m.dh) (xis.) Habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu ku habsad xiran yahay hadba rugta ay yaalliin (

Tusaale Dheeraad ah1

“

Nudayaashuna marka ay isu tagaan wexey noqdaan xubin. xubnaha isu tegeyna wexey sameeyaan habdhis (sida habdhiska taranka, hab dhiska dheefshiidka iwm). habdhisyadu hadey isu tagaan wexey sameeyaan noole (sida dad ama xayawaan).

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Lab (m.l)

Isrogrog

-syo, m.dh

Cilmiga

Baayoloji (baay.)

Xarafka

H · HA

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
habdhis - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan