Xubno isku shaqo ah oo jirka nafleyda ka mid ah sida kuwa dheefshiidka, wareegga dhiigga iwm. habdhis-dareen-wade m.l (baay.) Habdhiska unugyada iyo nudaha xayawaannada unugyo badanleyda ahi ay ugu kala gudbiyaan wararka unugyada dareenka iyo organnada dhaqdhaqaaqa, sida, muruqyada iyo qanjidhada. habdhis-deegaan m.l (-no, m.dh) (baay.) Beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed ee la xidhiidha iyada. habdhiska dareen-iswada m.l (c.nafl.) Qaybta dareenwadka dhexe ee lafdha-barleyda taas oo ka qaada guyooyinka dareenwade qaabilayaasha, geysana miiq-yada muruqyada sisiban ee wadnaha, dheefmareenka iyo organnada kale ee gudaha. habdhis-kulan m.l (-syo ..., m.dh) (xis.) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah. habdhis-limfeed m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl.) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga. habdhis-tiro-labaale m.l (-syo ..., m.dh) (xis.) Habdhis tiro oo ku salaysan sal laba godadka 0 iyo 1 oo keliya ayaa la adeegsadaa, halka habdhiska tobanle lagu adeegsado toban god. Godadka waxa ay u taaganyihiin koowaad, labaadyo, afraadyo, siddedaadyo, toban iyo lixaadyo iwm; halka habdhiska tobanle ay u taaganyihiin koowaadyo, tobnaadyo, boqollaadyo iwm. habdhis-tobanle m.l (-syo ..., m.dh) (xis.) Habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu ku habsad xiran yahay hadba rugta ay yaalliin (
Ereyada La Xidhiidha
Falanqaynta Naxwaha
Magac Lab (m.l)
-syo, m.dh
Baayoloji (baay.)
H · HA
La Wadaag
Sawirka La Wadaagga
Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha
La Wadaag
