U gudub nuxurka bogga
SABAAD

kubbad

Magac Dheddig
Naxwe-do, m.l
Xaraf KSubg KU6 xar
1

Shey kankoonsan oo ka sameysan cinjir, harag iwm oo neefi ku jirto looguna talaggalay in lagu ciyaaro; banooni.

2

Wax qaabka banooniga leh oo wareegsan. kubbad-badh m.dh (-do .., m.l) (juqr.) Nuska dhulka, marka sallax dhexdiisa la matiyay uu labo gabal o isla eg u qaybiyo. Dhulka badanaa waxaa loo qaybiyaa kubbad badhka woqooyi iyo kubbad badhka koonfureed, kan hore waa badhka ushiisa ah ee dhulka badhaha woqooyi ka xiga, kan dambena waa midka koonfur ka xiga dhul badhaha.

Tusaale Dheeraad ah3

β€œ

Ciyaartoygii hore ee Newcaslte Darren Huckerby, oo kooxda ka tegay markii la iibiyay ayaa kubbad cidhiidhi ah madaxa ku dhaafiyay.

”
β€œ

Hadda Pinto koobka adduunka wuxuu kala tegay dhiriq iyo magac xumo, wuxuu ku guul-darraystay inuu markeliya kubbad shebegga taabsiiyo.

”
β€œ

Turkiga ayaa fursaddii ugu fiicnayd helay markii uu ciyaaryahanka Ergun Pende, kubbad koone ah oo uu soo laaday ay noqotay gool, kadib markii Umit Davala ka faa’iidaystay khalad ka yimi dhinaca difaaca.

”

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Dheddig (m.dh)

Isrogrog

-do, m.l

Xarafka

K Β· KU

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
kubbad - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Waxaan isticmaalnaa falanqayn si aan SABAAD uga dhigno mid degdeg ah, la isku halleyn karo, oo si joogto ah u soo hagaageysa. Tani waxay naga caawineysaa inaan bixino waxbarasho tayo leh iyo khibrad barasho oo wanaagsan. Ma uruurino macluumaad shakhsiyeed. Akhri wax badan